Sheekh Mustafe

Sheekh mustafe xaaji ismaaciil haaruun waa sheekh caan ah oo umada soomaaliyeed oo dhami ay jecel yihiin muxaadarooyinkiisana ay dhagaystaan waa wacdiye dadka u sheega wanaaga diinta islaamka | Muxaadarooyin cusub sheekh mustafe |Sheekh mustafe 2017 | tafsiirka,Nolosha,Fikirka,Diinta islaamka,Quraanka,culimada,soomaaliya

Menu
  • Hoyga
  • Cilmiga
  • Mustaqbalka
  • Fahamka Nolosha
  • About
  • Contact us
  • Tijaabi Nasiibkaaga
About us
Waxaanu nahay madal faafisa odhaah iyo xikmada uu leeyahay sheekha caanka ah ee soomaaliyeed sheekh mustafe xaaji ismaaciil haaruun sheekhan oo ah wacdiye waaniye si toos ah u waaniya bulshadiisa soomaaliyeed sheekh mustafe waa caalim xeel dheere ah oo cilmiga ku wadhwadhay waa sheekh waaqica iyo xaaladaha soo kordha la socda waa caalim maskax furan oo fara wanaaga bulshadiisa .

Ka dib markaanu aragnay in sheekha muxaadarooyinkiisa ay u kala baxaan laba qaybtood oo kala ah dhagaysi iyo daawasho oo internetka meel kasta laga helaayo ayaanu ku fekernay inaan qayb sadexaad ku soo darno qaabka warbaahineed ee khayrka sheekh mustafe loo faafinaayo.

Qaybta 3aad maxay tahay ?


Qaybtan sadexaad waa inaan sawir qoraaleed ka qorno xikmadaha iyo odhaahyada sheekha afkiisa ka soo burqanayaa , qaabkan aan wax u qorno oo ah xigasho aan ka soo xiganayno sheekh mustafe xaaji ismaaciil haaruun waxaana loo yaqaan qaabkan luuqada qalaad Quotes afka soomaaligana waxay noqonaysaa odhaahyo.

Waa maxay ujeedkeena ?


Ujeedadeenu waa sidii aan u faafin lahayn khayrka sheekh mustafe anagoon ka been abuuranayn balse waxaanu soo bandhigaynaa wixii aan isaga afkiisa ka soo xiganay si umadeena soomaaliyeed meel walba oo ay joogan u akhrisan karaan xikmadaha sheekha si fudud oo casri ah anagoo ku kulminayna odhaahyadaas baraha kala ah

  •  Sheekhmustafe.blogspot.com
  • Facebook.com/SheekhMustafeQuotes


Fiiro gaar ah


Intaas ka dib anagu (Qorayaasha webkan ) waxaanu jecelnahay sheekh mustafe wanaaga uu noo soo gudbiyo umada soomaaliyeedna illaahay dartii ayuu u wacdiyaa sheekhu iyaguna illaahay dartii ayay u jecel yihiin, sidaas aawadeed qof kasta oo webkeena soo booqda waxaan xasuusinaynaa markasta inuusan sheekh mustafe xaaji ismaaciil haaruun isagu lahayn webkan balse walaalo isu xilqaamay ay illaahay dartii idiinku soo gudbinaayaan odhaah iyo xikmad wixii aan ka soo xigano sheekh mustafe

Contact Form

Name

Email *

Message *

Sumad

Fahamka Nolosha Mustaqbalka Wadanka Cilmiga
Copyright © 2014 Sheekh Mustafe All Right Reserved
Created by | Published By Sheekh Mustafe